Allbanaadir.com
NEWS

Koobka K/Cagta adduunka oo ka bilowday Ruushka & Ciyaartii furitaanka oo 5-0 lagu badiyey (Sawirro)

Koobka kubadda cagta adduunka ayaa maanta si rasmi ah uga bilowday dalka Russia oo ciyaartii ugu horeysay kaga hortagay dalka Saudi Arabia.

Madax ay ka mid yihiin Madaxweyne Vladimir Putin iyo dhaxal sugaha boqortooyada sacuudiga Maxamed bin Salman ayaa ka qeyb-galaya munaasabadda furitaanka oo ka dhaceysa garoonka qaada 80,000 qof ee Luzhniki Stadium oo ku yaalla magaalada Moscow.

Russia ayaa waxa ay qabashada koobka adduunka ku bixineysaa 13 bilyan oo dollar, ayadoo kulmada ay ka dhacayaan 11 magaalo oo marti-gelinaya.

Kulmada is-aragga hore ayaa soconaya illaa 28-ka June, halka kuwa is-tuurka ay billaabanayaan 30-ka June. Cayaarta kama dambeysta ah ayaa dhaceysa 15-ka July.

Brazil, France, Spain, Argentina iyo dalka koobka difaacanaya ee Germany ayaa ka mid ah dalalka aadka loogu saadaalinayo inay koobka hantaan.

Ciyaartii furitaanka ee koobka aduunka oo goor dhow dhamaatay ayaa waxay dhexmartay xulka ruushka oo 5-0 kaga adkaaday xulka Sacuudiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaaradda Arrimaha dibadda Somalia oo ka hadashay hadalkii Madaxweyne Trump

Caydiid Ali

Booliska Somaliland oo caawa toogasho ku dilay Wiil soo xirtay calanka Somalia

Caydiid Ali

Shariif Sheekh Axmed “Farmaajo wuxuu muujiyay xukun jaceyl iyo kursi isku dhejis” (Shir Deg Deg ah)

admin
Taboola Ads ---