Axmed Madoobe oo la kulmay Musharaxiintii uu kaga guuleystay doorashada (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Kismaayo ku qaabilay Musharaxiintii uu kaga guuleystay doorashadii 22 Bishan Ogoosto ka dhacday Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa musharaxiinta ka dhagaystay aragtidooda iyo wixii fikir ah oo ay ku biirinayaan Geedi socodka Jubbaland ee dhamaan dhinacyada ay khibradaha u leeyahiin.

Musharaxiinta ayaa Madaxweynaha uga mahad celiyay marti qaadka uu ugu sameeyay Xarunta Madaxtooyada iyagoo sheegay in ay la shaqayn doonan Dowlada Cusub ee uu hogaamin doono Madaxweynaha dib loo doortay Mudane Axmed Maxamed Islaam waxaana shacabka ree Jubbaland meel walba oo ay joogaan ay ugu baaqeen in Dowlada Cusub ee Madaxweynahu soo dhisi doono ay garab istaagaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -