Amiir Alhassan Adamu iyo xubno badan oo qoyskiisa katirsan oo la afduubtay

Kooxo hubeesan oo aad u tiro badan ayaa weerar ku qaaday guri uu deganaa Amiirka Kajuru Alhaji Alhassan Adamu oo kuyaala Waqooyiga Galbeed gobolka Kaduna ee katirsan dalka Nigeria.

Booliiska ismaamulka Kaduna ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in kooxaha hubeesan ay afduubteen Amiir Alhaji Alhassan Adamu iyo 12-qof oo kale oo katirsanaa qoyskiisa ay ku jiraan caruur aad u yar yar.

Kooxda weerarka geesatay ayaa la sheegay in ay ahaayeen rag badan kuwaa oo rasaas kor u riday kahor inta aysan afduubka geesan, waxa ayna kadib la dhaqaaqeen Amiirka iyo xubnaha qoyskiisa katirsan.

War soo baxaya ayaa sheegaya in Amiirka Kajuru uu ka war qabayay in weerar lagu soo qaadayo, waxa uuna dalbaday ciidamo milatari ah oo ilaaliya balse lagu guul dareestay in codsigiisa laga jawaabo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -