Taliska qeybta 27-aad oo laga dhigay Degmo Al Shabaab go’doon galisay

Ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 27-aad ayaa la qorsheeyay in talis looga dhigo degmada Buulo-burte ee katirsan gobolka Hiiraan, degmadan ayaana kamid ah deegaanada ay go’doomiyeen kooxda Al Shabaab mudo sanado badan ah.

Taliyaha ciidanka milatariga Soomaaliya Genaraal Odawaa Yuusuf Raage iyo saraakiil kale oo katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa maanta gaaray degmada Buulo-burte , waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Genaraal Odawaa Yuusuf Raage, ayaa wararku sheegayaan in degmada Buulo-burte u tagay sidii uu u daah furi lahaa Taliska qeybta 27 ee ciidanka xooga Soomaaliyeed oo laga dhigay dagmada Buulo-burte .

Taliyaha milatariga Soomaaliya ayaana daah furka taliska kadib la kulmi doona saraakiisha ciidanka milatariga ee ku sugan degmada Buulo-burte iyo masuuliyiin katirsan maamulka Hirshabelle oo degmadaasi ku sugan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -