Allbanaadir.com
NEWS

Wadamo Soomaaliya ku jirto oo diiday in ay saxiixaan bayaankii kasoo baxay Shirkii Switzerland

Ku dhawaad 80 wadan oo ka mid ah ilaa 100 waddan oo labadi maalin ee lasoo dhaafay shir caalami ah uu uga socday dalka Switzerland ayaa Axaddii shalay ku baaqay in “Midnimada dhuleed” ee Ukraine ay saldhig u noqoto heshiis kasta oo nabadeed oo lagu soo afjarayo dagaalka laba sano jirsaday ee uu Ruushka ka wado Ukraine.

Hase yeeshee shirkan oo ay ka qeybgaleen ilaa iyo 100 waddan oo ay Soomaaliya ku jirto ayaa ku guuldareystay in qaar ka mid ah waddamadi muhiimka ahaa ee ka qeybgalay ay saxiixaan bayaanki ugu danbeeyay ee kasoo baxay shirka.

War-murtiyeedka ayaa lagu soo koobay mirihi kasoo baxay shirka labada maalin socday, kaas oo aanan lagu casuumin Ruushka, balse qaar badan oo ka mid ah hogaamiyaashi ka qeybgalay ayaa rajo ka muujiyay in suurtagalnimada in Ruushka uu ka qeybgalo geeddi socodka nabadda ee mustaqbalka labada dhinac.

Dalalki ka qeybgalay isla markaana saxiixay war-murtiyeedka shirka ayaa waxaa ka mid ahaa, Mareykanka, Faransiiska, Jarmalka, Britain, Japan, Polan, Turkey, Somalia, Kenya, Argentina iyo Ecuador.

Dalalka aanan saxiixin war-murtiyeedka shirki shalay lagu soo gaba gabeeyay dalka Switzerland ayaa waxaa ka mid ahaa India, Mexico, Saudi Arabia, South Africa, Thailand iyo Isutagga Imaaraadka Carabta. Brazil, oo goobjooge aheyd ma saxiixin, halka Shiinaha uusanba soo xaadirin.

Ruushka ayaa ku duulay Ukraine, bishii February ee sannadki 2022-dii, tan iyo markaas dagaalka Ukraine ayaa waxaa lagu dilay laguna dhaawacay boqollaal kun oo qof, halka kumannaan kun oo kalana ay ku barakaceen ama qaxeen.

Related posts

Xildhibaanad sheegtay in la faraxumeeyay oo shaqada laga ioojiyay

Cabdi Cade

Qaraxyo saakay aroor hore ka dhacay Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Booliska Galmudug oo soo bandhigay rag burcad ah oo dhac geysanayey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---