Jen. Mahad oo Eedeyn culus u jeediyay Ilaalada Xasan Sheekh Raali galina dalbaday

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jen.Mahad C/raxmaan Aadan oo saakay Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay iska hor imaad shalay dhax maray ciidamada Asluubta iyo ilaalada Xasan Sheekh Maxamuud.

Jen. Mahad C/raxmaan Aadan ayaa sheegay in iska hor imaadka uu ka dhashay gaari ciidan oo la socday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh oo xoog ku gudbay koontaroolka ciidanka kadibna rasaas kusoo furay ciidamada asluubta.

” Gaari Cabdi Bille ah oo la socday Xasan Sheekh ayaa xoog ku maray askarta, waxa ay aheyd in uu istaago uu sheego in ay wadaan Xasan Sheekh, askarta markaas jidka ayey u furi laheyd waana lasoo dhaweyn lahaa, balse ma dhihin saas gaariga xoog ayuu ku gudbay, markii uu gudbay ciidamada gaarigii xigay ayey istaajiyeen balse gaarigii Cabdi billaha dib ayuu usoo laabtay rasaas ayuuna ciidanka kusoo riday, Kaamirooyin meesha ku xiran goobjoogayaal ayaa joogay meesha waa magaalo, dhibaatada Cabdi Bilahaas ayaa sameeyay waxa uuba dili gaaray ninkii uu waardiyeenayay , hadii cidi xabad kugu soo rido waxa ay tahay aadan ogeyn adna aad xabad heesato faataxo lama aqrinayee xabad ayaa loogu jawaabayaa” ayuu yiri taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka asluubta ayaana ka codsaday madaxdii hore iyo siyaasiyiinta sheegay in weerarkii shalay kutala gal ahaa in ay raali galin siiyaan ciidanka asluubta uu sheegay in aysan aheyn ciidan qabiil ama koox balse yihiin ciidan qaran.

Janaraal Mahad ayaana ugu baaqday madaxda Dowlada iyo siyaasiyiinta kale in ay xushmeeyaan ciidamada amaanka sugaya ee taagan wadooyinka iskuna sheegaan si uusan u imaan kala shaki iyo waxyaabo lamid ah.

Hadalkan kasoo yeeray taliyaha ciidanka asluubta ayaa kusoo aadaya xili shalay ciidamo ilaalo u ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo ciidamo katirsan asluubta isku rasaaseeyeen Koontarool kuyaala kawaanka Malayga Xamar Weyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -