Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir ka tirsan Xukuumada Somalia oo ka hor yimid amarkii Wasiirka amniga Qaranka

Wasiirka arrimaha dastuurka ee Xukuumada Somalia C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sharci daro ku tilmaamay amarkii ka soo baxay wasaarada amniga gudaha ee lagu mamnuucay in kulamo siyaasadeed la iskugu yimaado fasax la’aan.

C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa xusay in amarka wasiirka amniga uu yahay mid khilaafsan dastuurka federaalka oo buu yiri fasaxaya xoriyada hadalka.

“Waxaan hadda daawaday shirkii Jaraa’id ee Wasiirka Amniga Gudaha Mr Islow oo uu ku yiri Cidna shir gaar ah ma qabsan karto, iyadoo aysan fasax ka heysan dowladda, hagaag, taasi waa qalad, Dastuurka ayaa u ogolaanaya Xoriyadda ah in cid walba ay qabsan karto shirar iyo isu imaadyo”ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Wasiirka arrimaha dastuurka ayaa looga bartay inuu khilaafo qaar ka mid ah amarada ka soo baxa Xukuumada uu isagy ka tirsan yahay, isagoo dhowr jeer uu horeba baahiyey hadalo muran badan dhaliyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kooxo hubeysan oo caawa dil ka geystay gudaha Masjid ku yaalla Gaalkacyo

Caydiid Ali

Qadar oo Saraakiil iyo Ciidamo cusub u tababartay Soomaaliya iyo Ujeedada laga …

Cabdi Cade

Cali Guudlaawe oo ka hadlay qaraxii lagu le’day ee ka dhacay Baladweyne

Caydiid Ali
Taboola Ads ---