Allbanaadir.com
NEWS

RW Xamse oo daah-furay natiijada Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada Sare

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayey natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad ee sannad dugsiyeedka 2022/23, ayaa abaalmarinno guddoon siiyey qaar kamid ah ardeydii gashay kaalimaha hore.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray guud ahaan ardeyda imtixaanka gudubtay, gaar ahaan kuwooda ku jira 10ka kaalin ee muujiyey dadaalka dheeriga ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dal uusan horumar gaari karin, haddii uusan kor u qaadin aqoonta dadkiisa, si taas loo xaqiijiyana ay Xukuumadda DanQaran howlgelisay saddex kun oo macallimiin ah oo bilow u ah Qorshaha Qaran ee dib loogu soo nooleynayo waxbarashadii dalka.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo cid walba oo door ka qaatay  qabsoomidda imtixaankan oo sannadkii sagaalaad oo xiriir ah ay qaadeyso dowladdu.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa mar kale ku celiyey baaqiisii la xiriiray in la banneeyo xarumaha danta guud ee ay deggan yihiin shacabka, gaar ahaan kuwa ay leedahay Wasaaradda Waxbarashada, si wax loogu baro ubadka Soomaaliyeed.

Halkan ka eeg natiijada imtixaanka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rooble oo kormeeray goobta ay ka dhacayso doorashada xubnaha Gobolada Waqooyi (Sawirro)

Caydiid Ali

Markab Faransiiska leeyahay oo soo badbaadiyay Markab Gantaal lagu dhuftay

Cabdi Cade

Puntland oo u digtay ganacsato & Khilaaf ka dhex curtay taliyeyaasha XDS & AMISOM

Caydiid Ali
Taboola Ads ---