Axmed Madoobe oo qaabilay Mr. Flippo Grandi oo Kismaayo ka degay (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo uu dhinac fadhiyo Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada ayaa maanta kulan la qaatay madaxa Hey’adda Qaxootiga Aduunka ee UNHCR Flippo Grandi oo uu wehelinayo Wakiilka Hey’ada ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey iyo Masuuliyiin kale.

Kulankan oo ah kii ugu horeeyay oo noociisa ah waxaa diirada lagu saaray warbixinadii ugu danbeeyay iyo xaalada ay ku sugan yihiin dadkii dhawaan kasoo laabtay xerada Qoxootiga Dhadhaab iyo sidii loo dardar galin lahaa soo celinta kuwa wali maqan.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in rajo wanaagsan uu ka qabo in hawlaha socda ay guulaystaan balse mar walba uu jiro walaac ay dadku ka qabaan waxa uu mustaqbalku noqonayo marka ay Soomaaliya dib ugu soo laabtan.

Dhamaan dhinacyada shaqadan wada ayuu ku booriyay in loo midoobo sidii looga dhabayn lahaa balamahii la qaaday ee la xiriira sidii dadka dib ugu soo noqonaya Soomaaliya loo garab istaagi lahaa.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in dhibaatada dhinaca amniga ah ay wax badan xadidayso oo laga yaabo in hadii dhulka la xorayn lahaa ay noloshu is furfuri lahayd.

Dowlada Soomaaliya iyo beesha Caalamka ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in ay xooga saran dib u xoraynta dalka oo uu sheegay ka Jubbaland ahaan in ay diyaar u yihiin.

“ Dadka soo noqonaya anagaa u baahan Aqoontooda waayo aragnimadooda iyo cududooda maadama ay inta ugu badan dhalinyaro yihiin “ ayuu yiri Madaxweynahu.

Sidaas oo ay tahay ayuu Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam sheegay in hadii aan la helin jiho sax ah oo dadkaas loo hago ay macquul tahay in looga faa’iidaysto wadooyin kale oo khaldan taasna ay kawada shaqaynayaan Dowlada Federaalka ah sidii looga hortagi lahaa oo dhalinyarada mustaqbal wanaagsan loogu abuuri lahaa.

 

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -