Allbanaadir.com
NEWS

Doorashada Guddoomiye kuxigeenka koobaad ee Gollaha Shacabka oo bilaabatay

Waxaa goordhaw bilaabatay doorashada guddoomiye kuxigeenka koobaad ee gollaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo ku tartamayaan ilaa toban musharax oo lagu soo kala doortay deegaano kala duwan.

Doorashada guddoomiye kuxigeenka koobaad ee gollaha shacabka ayaa ah mid xiiso iyo xamaasad badan, walina lama saadaalin karo shaqsiga kusoo bixi doona guddoomiye kuxigeenka koobaad ee gollaha shacabka.

Musharaxiinta u taagan kursigan ayaa saacadihii lasoo dhaafay galay abaabul xoogan iyo olole, waxa ayna musharaxiinta qaar taageero ka kala helayaan Villa Soomaaliya, Musharaxiinta mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada.

Doorashada guddoomiye kuxigeenka koobaad ayaa la sadaalinayaa in uu kusoo bixi doono shaqsi siyaasad ahaan ka fog kooxda Nabad iyo Nolol uu hoggaamiyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo.

Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee goolaha shacabka waxaa u sharxan

  1. Xil. Cabdikariin Abdow Xayder
  2. Xil. Cabdiraxmaan Cabduqaadi Cadde
  3. Xil. Khadiija Maxamed Diiriye
  4. Xil. Maxamed Cabdalla Axmed Maxamuud
  5. Xil. Maxamed Cali Cumar (Caanonuug)
  6. Xil. Maxamed Nuur Abuukar
  7. Xil. Maxamed Cumar Cimow
  8. Xil. Maxamuud Cabduqaadi Xaaji (Jeego)
  9. Xil. Sacdiya Yaasiin Xaaji (Samatar)
  10. Xil. Saciid Maxamed Maxamuud Xayd

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Madaxweyne Xasan oo u ambo baxay dalka Kenya iyo Xog ku aadan Ujeedka safarkiisa

Cabdi Cade

Dowlada Jabuuti oo Jawaab cad ka bixisay Eedeyntii uga timid dowlada Soomaaliya

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo Cumro baxay una soo duceeyay Umadda Soomaaliyeed (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---