Allbanaadir.com
NEWS

Qarax gaari oo galabta ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Qarax ayaa galabta qabsaday gaari nooca raaxada ah oo ku sugnaa halka loo yaqaano Ajabka shidaalka oo ku taalla degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxan uu ahaa mid gaarigiisa loogu xiray sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliiska Soomaaliya kaasoo la sheegay inuu ka badbaaday.

Lama sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay qaraxan inkastoo gaariga qaraxa lagu soo xiray uu burbur soo gaaray.

“Anagoo iska ganacsaneyna ayaa waxaa mar kaliya goobta si lama filaan ah uga dhacay qarax weyn, ka dibna waa la kala cararay” ayuu yiri ganacsade goobta ku sugnaa oo ka hadlayey jawiga xiligii uu qaraxu dhacayey.

Ciidamada amaanka ayaa daqiiqado ka dib goobta soo gaaray kuwaasoo halkaas ka bilaabay baaritaano la xiriira qaraxaas iyo halka miinada looga soo dhejiyey.

Mas’uuliyiin, saraakiil kala duwan, weriyeyaal iyo dad kale oo fara badan ayaa horey loogu qaarajiyey miinooyin loogu dhejiyey gaadiid ay wateen, waxaana inta badan masuuliyada qaraxyada noocaas ah sheegta Al-Shabaab.

Related posts

Ra’isul Wasaare Kheyre oo Safar dhinaca dhulka ah ku tagaya Cadaado iyo Wafdi…

Cabdi Cade

Musharax diiday natiijadii lagu dhawaaqi lahaa ee doorashada Kenya

Caydiid Ali

Puntland oo ka soo horjeesatay sharci uu ansixiyey Baarlamanka Somalia (Akhriso)

Caydiid Ali