Xoogaga Wadaniyiinta oo la sheegay in Biskoolado la siiyay laguna sii dhex daayay Muqdisho

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo katirsan Xildhibaanada golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in xoogaga Wadaniyiinta Soomaaliyeed ee aas aastay Madaxtooyada Soomaaliya loo qeybiyay biskoolado kadibna lagu dhax fasaxay magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in kooxda Wadaniyiinta gobolka Banaadir in ay leeyihiin garab hubeesan oo magaalada lagu dhax daadiyay, waxa uuna xusay Xildhibaanka in xiligan aan dalka looga baahneyn Guul wadayaal.

Halkan ka Akhriso Qoraal uu arintan uga hadlay Xildhibaan Mahad Salaad 

Soomaaliya uma baahna GUULWADEYAAL Madaxweyne Farmaajo leeyahay oo sidii Al-Shabaab dadka madaxa jabiya!

Xoogaga Wadaniyiinta Gobolka Banaadir ee Madaxweyne Farmaajo uu leeyahay gudaha dalka iyo dibedahaba waa lagu baahinayaa waxa ay leeyihiin garab hubaysan oo Bastoolado inta loo qaybiyay magaalada lagu sii dhex daayay!

Maalin dhawayd degmo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir oo Gudoomiyaha Gobolka booqasho ku tagay waxa la ii sheegay meeshii bulshada uu kula kulmayay in lagu qabtay 8 dhalinyaradaas ka mid ah oo Bastoolado ku hubaysan, markii ciidamada amnigu qabteen kadibna inta la soo wacay loo sheegay in ay ka tirsanyihiin Xoogaga Wadaniyiinta laguna amray in ay si degdeg ah u sii daayaan!. Haddaba waxaa in la isweydiiyo mudan in maleeshiyaad hubaysan magaalada lagu sii dhex daayo micnaha ay dowladnimada u leedahay yaa noo sheegi kara?

Madaxweynaha waxaan leenahay, Soomaaliya ciidamo amni oo sifo sharci ah ku howl gala, shuruucda dalka iyo xuquuqda shacabkana ilaaliya ayay u baahantahay ee GUULWADEYAAL Madaxweyne Farmaajo leeyahay oo sidii Al-Shabaab dadka madaxa jabiya uma baahna!

Hon. Mahad Salad

 

- Advertisement -