Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xassan Shiikh & Xoghayaha Guud ee QM?

Xoghayaha Guud ee QM Antonio Gueters ayaa telefoonka kula hadlay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ayaa soo dhoweeyay dhammeystirka hannaanka doorashada, wuxuuna Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ugu hambalyeeyay doorashada loo doortay Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Xoghayaha Guud iyo Madaxweynaha ayaa ka wadahadlay arrimaha hortebinta u leh maamulka cusub iyo taageerada Qaramada Midoobay.

Antonio Gueters ayaa Madaxweynaha ku dhiirigaliyay inuu horey u sii wado arrimaha muhiimka ah ee leh hortebinta qaran sida amniga, isbedelka cimilada, gurmadka abaaraha iyo xoojinta wadashaqeyn lala yeesho dowladaha xubnaha ka ah federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

R/W Xamse oo Shaaciyay in ay ka go’antahay Xasilloonida Koonfur Galbeed

Cabdi Cade

Biden oo taageero u muujiyey Israel, xilli ay wajaheyso cabsi kaga imaneysa Iran

Caydiid Ali

Xamse Barre oo sheegay saddex arrin oo laga curyaamiyey Al-shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---