Ra’isul Wasaare Rooble oo goordhaw si weyn loogu soo dhaweeyay Garbahaarey (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw gaaray magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo.

Rooble iyo wefdiga la socda waxaa si weyn garoonka diyaaradaha Garbahaarey ugu soo dhaweeyay masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya, maamulka gobolka Gedo iyo shacabka ku dhaqan magaalada Garbahaarey.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa u tagay magaalada Garbahaarey hirgalinta dib u heshiisiin laga dhax sameeyo maamulka Jubbaland iyo bulshada ku dhaqan Gedo iyo sidii doorasho raali laga yahay uga dhici laheyd Garbahaarey.

Waxaa lagu wadaa in Ra’isul Wasaaraha kulamo kala duwan la qaato maamulka gobolka Gedo, Waxgaradka iyo siyaasiyiinta ku sugan magaalada Garbahaarey kalana hadlo sidii loo sameyn lahaa maamul raali laga wada yahay .

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa mudo afar maalin ah ku sugnaa magaalada Kismaayo, waxa uuna halkaasi kula kulmay madaxda maamulka Jubbaland iyo siyaasiyiin kasoo jeedo gobolka Gedo uu kala hadlay dib u heshiisiin laga sameeyo gobolka Gedo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -