Ra’isul Wasaare Rooble oo la Dar daarmay xubnaha Guddiga Doorashooyinka Jubbaland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa saakay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland kula kulmay xubnaha  Guddiga Doorashooyinka Jubaland.

Rooble ayaana xubnahan uu la kulmay kala hadlay dar dargalinta doorashooyinka labada aqal ee la filayo in ay ka qabsoomaan deegaanada Jubbaland,waxa uuna kula dardaarmay in ay howsha doorashada u maamulaan si hufan oo caddaalad iyo daahfurnaan leh.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in  xukuumada ka shaqeyn doonto sidii doorasho raali laga wada yahay dalka uga qabsoomi laheyd, waxa uuna ka digay in cadaalad daro in ay sameeyaan guddiyada doorashada.

Rooble oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa saacadaha soo socda la filayaa in uu gaaro magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo halkaas uu kula kulmi doono maamulka gobolka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaaladaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -