Sababtii ka dambeysay Weerarkii lagu galay hoyga Madaxweynihii hore oo soo shaac baxday

Xog sirdoon oo khaldan ayaa la sheegay iney sabab u aheyd Ciidamo Maraykan iyo Soomali isugu jiray oo u dhacay todobaadkan guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan oo ku yaalla degaanka Janaale ee gobolka Sh/hoose.

Wargayska The Guardian ayaa qoray in Mid ka mid ah saraakiisha sirdoonka ee Soomaaliya, oo si toos ah wax uga ogaa hawlgalkan uu sheegay in xog sirdoon oo khaldan ay jirtay intaan la qaadin weerarka lagu galay guriga madaxweynihii hore.

Il-wareed ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa wargayska u sheegay in bartilmaameedka uusan ahayn guriga madaxweynihii hore, Aadan cabdulle. Kani wuxuu ahaa hawlgal ay qaadeen ciidan gaar ah oo Soomaali ah, waxaana la socday la taliyeyaashooda Ameerikaanka ah. Xoogaggaas waxay daba socdeen xubin ka tirsan koox argagixiso oo u cararay dhinaca guriga madaxweynihii hore, laakin ciidankaas waxay si khaldan u weerareen guriga oo qoyska ay ku nool yihiin” ayuu il-wareedkaas sheegay.

Wargayska  ayaa intaa ku daray in ra’isul wasaare Khayre uu qoyska u sheegay in la baarayo arrinka, dhawaanna la sii deynayo 3 wiil oo dhallinyaro ah oo la kaxaystay.

Gaashaanle Karl Weist oo ah afhayeenka taliska ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaa u sheegay wargayska The Guardian in ciidanka Ameerikaanka uu doorkoodu yahay la talin iyo caawin, ayna bahwadaag kula yihiin ciidanka Soomaalida sidii loo kala dhantaali lahaa hawlgallada Al Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -