Xubnihii Al-Shabaab ee ka howlgeli jiray K/Gaalkacyo oo dil lagu xukumay (Sawirro)

Maxkamadda ciidamada Puntland ee magaalada Gaalkacyo ayaa maanta xukun dil ah ku riday 8 dhalinyaro ah oo la sheegay inay ahaayeen shabakad ka tirsan Alshabaab oo dilalka madax jabinta iyo qaraxyada ka geysan jirey Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Xeer ilaalinta Maxkamada ciidamada Puntland, ayaa soo bandhigtay caddeymo maqal iyo Muuqaal ah oo eedeysanayaashu ku qiranayeen inay ka dambeeyeen dilal iyo qaraxyo intooda badan ka dhacay qeybta Galmudug ay maamusho ee Gaalkacyo.

Raggan la xukumay ayaa la siiyey iney muddo 30 cishe ah racfaan ah kaga qaataan xukunka ku dhacay si ay u qabsadaan qareenno u dooda oo ka difaaca dambiyada loo heysto

Dhowaan ayey aheyd markii Puntland ay xukun dil ah ku riday 21 xubnood oo ka tirsan Alshabaab, kuwaasoo  18 ka mid ah lagu toogtay fagaare ku yaalla duleedka Gaalkacyo.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

- Advertisement -