Gabadhii Nairobi ku afduubatay saaxiibteed Xafsa Max’ed Luqmaan oo la sii daayey

Hafsa Abdi iyo ninka ay wada socdeen Jackson Njogu oo loo haysto kiiska afduubka Xafsa Maxamed Luqmaan ayaa maanta lagu sii daayay dammaanad.

Maxkamad ku taalla Nairobi ayaa amar ku bixisay in labada eedaysane aysan wax xiriir ah la samay karin Markhaatiyaasha iyo dhibanahabam lamana sheegin sababta keentay in damaanad lagu sii daayo

Xafsa Maxamed Luqmaan, oo ah haweeney ganacsato ah oo 23 jir ah, ayaa shaaca ka qaaday dhowaan in saaxiibteed ay ka mid ahayd dadkii afduubtay.

Waxay sheegtay in Xafsa Cabdi, haweeneyda ay maanta damaanadda ku sii daysay maxkamadda, ay ahayd maskaxdii afduubka ka dambaysay.

“Waxay ahayd saaxiibtay, in kasta aysan ahayn qof aan aad isugu dhownahay, laakiin iyada ayaa igu hoggaamisay dabinka afduubka. Waxay iga codsatay inaan u raaco Kayole oo ay ku yaallaan dukaankeeda kale, “ayay tiri Xafsa Luqman oo la sii daayey ka dib markii Boolisku u dhaceen goobtii lagu heystay, iyadoo jirdil xoogan loo geystay.

Afduubyo loo geystay gabdho Soomaali ah ayaa la soo werinayay dhowrkii isbuuc ee la soo dhaafay kuwaasoo ka dhacayey qeybo ka mid ah dalka Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -