Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowladda Maraykanka oo si cad u taageertay RW Rooble, hanjabaad culusna soo saartay

Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay iney talaabo adag ka qaadeyso cid kasta oo carqalad ku ah geeddi socodka Nabada iyo doorashooyinka Somalia.

“Maraykanku wuxuu diyaar u yahay inuu tallaabo ka qaado kuwa carqaladda ku ah waddada nabadda ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay qeybta arrimaha Afrika ee waaxda arrimaha dibeda ee Maraykanka.

Qoraalka ayaa si cad Maraykanku ugu taageeray dedaalka uu raisul wasaare Rooble ugu jiro doorashada.

“Isku dayga shaqada looga joojiyay Ra’iisul Wasaaraha waa wax laga naxo, waxaan taageereynaa dadaalkiisa doorashada oo lagu kalsoonaan karo” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hadalka Maraykanka ayaa ku soo aadaya xili Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shaqo joojin ku sameeyey Ra’isal wasaare Maxamed Xuseen Rooble taasoo sababtay loolan awoodeed oo ka dhex bilowday labada dhinac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Trump oo dhambaal yaab leh u diray dhigiisa Kim Jong-un

Caydiid Ali

Qodobo xasaasi ah oo looga hadlay kulanka Aqalka sare ee Baarlamanka Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiir Kaahin: “Al-shabaab & DF Somalia ayaa iska kaashanaya burburinta Somaliland”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---