Allbanaadir.com
NEWS

Dhacdo dad badan ka argagaxeen oo ka dhacday dalka Koonfur Afrika (Daawo Sawirro)

Nin dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa dilay kadibna dab qabadsiiyay gabar saaxiibo ahaayeen kadib muran soo kala dhax galay, waxaana dhacdadan noqotay mid si weyn uga argagaxeen dadka u dhashay Koonfur Afrika.

Maxkamadda sare ee magaalada Johannesburg ayaa ku heshay Sandile Mantsoe in uu toorey ku dilay kadibna Meydkeeda gubay si uu u qariyo Karabo Mokoena oo 22-sano jir aheyd saaxiibna la aheyd.

Dilka foosha xun uu ninkan u geestay gabadha saaxiibta la aheyd ayaa si weyn looga carooday dalka Koonfur Afrika, waxaana dadka baraha bulshada isticmaala gaar ahaan dumarka bilaabeen adeegsiga astaantan #MenAreTrash.

Dalka Koonfur Afrika ayaa kamid ah wadamada ugu badan caalamka ee ka dhacana kufsiga dumarka loo geesto, waxaana sanadkii dalkaasi laga diiwaan galiyaa  In kabadan 40,000 oo kiis oo kufsi ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo Rakaab saarnaa Gaari Bas ah muxaadaro ugu jeediyay gudaha Kenya

Cabdi Cade

Nin ku Dhax Islaamay Xabsi kuyaala dalka Mareykanka oo Cirbad lagu dilay

Cabdi Cade

Cabdi Xaashi & Qoor-qoor oo ka qeyb galay Munaasabad weyn oo ka dhacday Dhuusamareeb

Caydiid Ali