Duqa Muqdisho & Madaxda degmooyinka oo hal qodob ka soo saaray kulan ay yeesheen (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa Caasimadda Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan ( Eng. Yarisow) ayaa sheegay in olalihii nadaafadeed ee ugu ballaarnaa laga sameyn doono magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Todobaadka Nadaafadda oo bilaabanaya maalinta Khamiista ee ay ka qeyb qaadanayaan dhammaan hay’adaha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyadoona Olahala Todobadkan xoogga lagu saari doono soo celinta bilicda degmooyinka, Warta Nabadda, Boondheere Shibis iyo Shangaani.

Eng. Yarisow oo guddoominayey kulanka todobaadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Maamulka Gobolka Benaadir ayaa ugu baaqay dhallinyarada, haweenka, shaqaalaha dawladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshda Gobolka in ay si baaxad leh uga qeyb qaataan olalahan, maadama uu raad wanaagsan ku yelanayo fayo dhowrka deegaanka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa warbixino ku saabsan maamulka iyo Maaliyadda, bilicda, dakhliga, amniga iyo siyaasadda ka dhageystay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Ku Xigeennada Goddoomiyaha ee Arrimaha, Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax), Arrimaha Bulshada Marwo Basma Caamir Axmed iyo Xog-hayaha Guud ee Gobolka Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen.

Maamulka heer Gobol iyo heer Degmo ayaa si gaar ah uga wada hadlay ilaalinta amniga iyo xoojinta kaalinta ay ku leeyihiin bulshadu, si looga hortago falalka ay argagixisau u malageeyan shacabka Gobolka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -