Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia oo War-Saxaafadeed soo saaray (Akhriso)

Wakiilka Gaarka ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey sanadguurada madaxbanaanida dalkooda.

Maanta oo kale, kow iyo lixdan sano ka hor, dadka Soomaaliyeed waxa ay hanteen dalkooda oo xor ah oo madax bannaan iyaga oo isu xilsaaray dhisidda qaran nabad iyo barwaaqo ah oo ku dhisan midnimo, sinnaan iyo cadaallad.  Ka-go’naanshahaas ilaa iyo hadda wuu sii jiraa waxaana dhowaan tusaale u noqday shir-madexeedkii 27kii Maajo ee sida guusha leh ku soo dhammaaday iyo wada shaqeynta joogtada ah ee loogu gogol xaarayo doorashooyinka qaranka.

“Iyadoo dadka Soomaaliyeed ay u dabaal-degayaan Maalinta Madaxbanaanida, ayaa Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamka waxay mar kale ballan-qaadayaan la shaqeynta dadka Soomaaliyeed iyo taageeridda mustaqbal nabad ah oo lagusoo dabaalo dalka,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Swan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -