Khilaaf xoogan oo ka taagan Odayaasha soo xulaya Baarlamaanka Galmudug

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in khilaaf xoogan ka jiro Odayaasha saxiixayaasha ah ee soo xulaya Baarlamaanka cusub ee maamulka Galmudug.

Guddiga farsamada iyo maamul u sameynta Galmudug ayaa ku guuleestay in ay xareeyaan qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka ee soo xulaya Baarlamaanka Cusub ee Galmudug , waxaana Guddiga wali ku guuleesan in ay xaliyaan khilaaf beelaha dhaxdooda ka jira.

Beelaha dega Galmudug qaarkood ayaa isku heesta Odayaasha usoo xulaya Baarlamaanka ay ku yeelanayaan Galmudug, waxaana magaalada Dhuusomareeb kuwada sugan Odayaal iska soo horjeeda oo mid walbo doonayo in saxiixa beeshiisa yeesho.

Odayaasha dhaqanka ee beelaha leeyihiin ayaa markan diidan in ay matalaan Odayaal xiligaasi xaal mastuur lagu sameeyay, waana mida hada dooda dhalisay dibna u dbigtay xareenta Odayaasha iyo soo xulista Xildhibaanada cusub.

Wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka iyo guddiga farsamada ayaa wada dadaalo lagu xalinayo khilaafka dhinaca Odayaasha ee beelaha qaar ka jira, waxaana suurto gal ah in wax laga bedelo odayaashii horey usoo xulay Baarlamaankii hore.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -