Cali Rooba oo shaaciyay in Wadooyinka Mandheera 50% ay maamulaan Al Shabaab

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa kusii xoogeesanaya gudaha dalka Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi bari, halkaas ay si joogto ah uga geestaan weeraro ciidamada amaanka Kenya ku guul dareestyeen in ay ka hortagaan.

Gudoomiyaha Mandheera Cali Ibraahim Rooba ayaa shaaciyay in Al Shabaab kusii xoogeesanayaan Mandheera iyo deegaanada hoostaga, waxa uuna cadeeyay in Al Shabaab saameyn ku yeesheen, Waxbarashada ,amaanka iyo horumarka deegaanka.

Waxa uu sheegay Cali Rooba in Al Shabaab ay maamulaan wadooyinka Mandheera 50% , waxa uuna cadeeyay in arintaasi saameyn badan ku yeelatay isku socodka gaadiidka cabsi laga qabo Al Shabaab owgeed.

“Xaqiiqada dhabta ah ayaa ah in aniga oo ah barasaabka dowlad deegaanka Mandera, oo aan ahayn qof shacab ah, isla markaana la ii igmaday in aan maamulo hawlaha dowlad deegaankan ayaa waxaan si cad u xaqiijinayaa in inkabadan 50% waddooyinka deegaankan ay gacanta ku hayaan oo ay maamulaan Al-Shabaab,” ayuu yiri Cali Rooba.

Gudoomiyaha Mandheera ayaa ugu baaqay Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta in uu keeno xal Mandheera looga saari karo dhibaatada amni ee ka taagan iyo weerarada Al Shabaab ee kusii badanaya.

“Waxaan ka codsanayaa madaxweynaha jamhuuriyadda Kenya in uu xaqiijiyo in saraakiisha ammaanka ay ka shaqeeyaan sidii loo xallin lahaa dhibaatada ka jirta Mandera. Sababtoo ah, waxaan nahay waddan madax-bannaan oo marnaba madax-bannaanideena aan ugu tanaasuleynin in argagixiso ay na maamusho, xilli saraakiishii loo igmaday amniga, heer deegaan iyo heer gobolba ay dafirayaan in xitaa ay dhibaato jirto,” ayuu yiri Cali Rooba.

Al Shabaab ayaa si joogta ah weeraro uga geesata gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya gaar ahaan magaalada Mandheera, waxa ayna Al Shabaab marar badan weerareen gaadiid ka baxay iyo kuwa kusoo jeeday  Mandheera .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -