Al-Shabaab oo mar kale goob fagaare ah ku toogatay dad badan oo lagu eedeeyey..

Al-Shabaab ayaa mar kale degaan ka tirsan Koonfurta Soomaaliya ku toogatay rag lagu eedeeyey inay u basaasayeen sirdoonka Mareykanka.

Fagaare ku yaalla degaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Sh/hoose ayaa galabta lagu dilay illaa 8 ruux oo ku eedaysnaa inay hagi jireen diyaaradaha Droneska Mareykanka.

“Dadka maanta ladilay waxaa kamid ah laba Nin oo mas’uul ka ahaa inta badan duqeymihii ay diyaaradaha  Mareykanka  sanadadii lasoo dhaafay ka geysanayeen Kuunyo Barroow iyo hareeraheeda” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxday kooxda oo lagu baahiyey baraha internetka qaarkood

Qaadiga Maxkamadda Al-shabaab ee Sh/hoose oo goob fagaare ah ka akhrinayay xukunka ragga ladilay ayaa sheegay in dhamaantood ay qirteen dambiyada lagu soo eedeeyay, waxaana ragga la toogtay magacyadoodu kala yihiin:-

1- Calas Cali Cabdulle oo 51 sano jir ah

2- Cabdi Waaxid Cabdullaahi Diiriye Carrabey oo 25 sano jir ah.

3- Cabdiqaadir Maxamed Abow (Bambiiste)

4- Abuu Cabdi Nuur Fanaay (Abuu Weershe) oo 35 sano jir ah.

5- Cumar Cabdiraxmaan Dooyow oo 36 sano jir ah.

6- Xasan Cabdiqaadir Cumar, (Beeriyow) oo 31 sano jir ah.

7-Abuukar Cabdi Cumar Abuukar Basey oo 31 sano jir ah.

8- Jeylaani Mayow Sheekhunaa oo 41 sano jir ah.

Al-Shabaab ayaa 4 maalmood gudahood Koonfurta Soomaaliya ku dilay 24 qof oo ay ku jiraan 8-da maanta la dilay kuwaasoo lagu eedeeyey inay u shaqeynayeen sirdoonka Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -