Magaalooyinka Muqdisho iyo Konya oo xiriir cusub yeeshay (Daawo Sawirada)

Wafdi ka socday Dawladda Hoose ee Muqdisho oo uu hogaaminaayay Guddoomiye K/xigeenka howlaha guud ee Maamulka gobolka Banaadir Mudane Faarax Cabdi Diini wafdigaas oo qeyb ka ah Xoghayaha guud ee gobolka Banaadir ayaa Magaalada Konya ee dalka Turkiga kula kulmay ku-xigeenka duqa magaalada Konya Mr. Ercan Uslu, Konya waxa ay kamid tahay Magaooyinka ugu waaweyn Dalka Turkiga uguna taariikhaha fog.
 
Labda Maamul ee Konya iyo Muqdisho ayaa ka wada hadlay kor u qaadida iskaashiga, maareynta biyaha iyo qashinka, sidoo kale fursadaha tababarada shaqaalaha gaar ahaan farsamadda gacanta ayaa kamid ahaa waxyaabihii aadka looga dooday, waxaa xusid mudan in kulanka intii uu socday laga mahadceliiyay mudnaanta Gaarka ah ee Madaxweyne Ordegan uu siiyay Guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan horumarinta Wadnaha iyo hooyada umadda Soomaaliyeed ahna Caasimadda Dalka ee Muqdisho,
labada Dawlad hoose ayaa intaasi kadib isku raacay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo arimaha soo socda.
 
1. Xoojinta xiriirka iyo iskaashiga cusub labada magaalo.
 
2. In Maareynta qashinta laga taageero Dawladda Hoose ee Muqdisho maadaama Maamulka Konya ay khinrad buuxda u leeyihiin hawlaha dhinacaas la xiriira, sidoo kale waxaa Muqdisho laga taageeri doonaa khubarro farsamo oo tabanaro iyo hagitaan siin doono hawl wadeenadda nadaafadda Dawladda hoose ee Muqdisho.
 
3. Waxaa si wadajir ah ay labada Dawlad Hoose isugu waafaqeen in la bilaabo diyaarinta mataaneynta Muqdisho iyo Konya si labada dhinac ay iskaashi iyo wada shaqeyn buuxdo u dhex marto.
 
4. In si deg deg ah loo bilaabo booqasho labada maamul ay is-weydaarsanayaa taaso labada Maamul ku kala tagi doonaan Konya iyo Muqdisho.
 
5. In Machadka tababaradda Konya uu gacan ka siin doono Maamulka Dawladda Hoose ee Muqdisho dhinaca tababaradda shaqaalaha isla markaana ay si toos ah u wada xiriiri doonaan hawl-wadeenada labada dhinac ee Muqdisho iyo Konya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -