Boqortooyada Sacuudiga oo xukun adag ku riday Loujain Al-Hathloul

Boqortooyada Sacuudiga ayaa xukun ku riday haweeney u ololeysa xuquuqda haweenka dalkaasi,

Loujain al-Hathloul, oo 31 jir ah laba sana iyo barna ku xirneyd xabsi amnigiisa aad loo adkeeyey oo ku yaalla dalka Sacuudiga ayaa hadda lagu xukumay ugu yaraan shan sano oo xarig ah.

Haween kale oo u ololeeya xuquuqda haweenka Sacuudiga oo iyana xabsiga la dhigay 2018-kii ayaa iyana lagu soo oogay dacwado ay ka mid ahaayeen iney xiriir la yeesheen ururrada cadowga ku ah Sacuudiga.

Hay’adaha caalamiga ee xuquuqda aadanaha u dooda waxay marar badan Riyad ka codsadeen in Loujian la sii dayo.

Hase ahaatee Maxkmadda dambiyada ee dalka Sacuudiga oo lagu qaado fal-dambiyeedyada waaweyn oo ay ka mid yihiin argagixisada ayaa dhowr eedeymo ku heshay kuwaasoo ay ka mid yihiin iney ammaanka qaranka khalkhal gelisay iyo iney dana shisheeya fulineysay u soo jeedisay.

Waxay maxkamaddu ku xukuntay 5 sano iyo 8 bilood xabsi ah, iyadoo laba sano iyo toban bilood oo xukunka ay maxkamadda ku ridday ka mid ahna la sheegay in waxba kama jiraan laga soo qaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -