Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowlada iyo Al Shabaab oo socda iyo Dowlada oo ka hadashay

Dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada milatariga Soomaaliya iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa ka socda deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana dagaalkan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka u dhaxeeya milatariga Soomaaliya iyo Al Shabaab ayaa ka socda deegaano ay kamid yihiin Araxley iyo Cali Fooldheere, waxa uuna dagaalka kusii fiday deegaano kale oo katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Afhayeenka ciidanka xoogga Soomaaliya G/sare Cali Xaashi Cabdi oo la hadlay Warbaahinta dowlada ayaa sheegay in dagaal xoogan oo shalay soo bilowday ilaa hada in uu ka socdo deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxa uu sheegay afhayeenka in dagaalka ciidamada milatariga ku dileen 17-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab sidoo kale hub kusoo furteen, waxa uuna xusay in ciidamada wali sii baacsanayaan dagaalyahanada Al Shabaab.

Ciidamada milatariga Soomaaliya iyo Al Shabaab ayaa mudooyinkii dambe ku dagaalamayay deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana dagaaladaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -