Allbanaadir.com
NEWS

Faah Faahino dheeraad ah oo kasoo baxaya dil loo geestay Maxamed Cali Jimcaale

Kooxo burcad hubeesan ayaa xalay fiidkii  Degaanka Thohoyandou ee gobolka Limpopo ku dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Naxamed Cali Jimcaale xili uu ku sugnaa goob ganacsi uu lahaa.

Sida aan wararka ku helnay burcada ayaa markii ay galeen dukaan rasaas ku furay muwaadinka Soomaaliyeed ee ku sugnaa dukaanka, iyagoona dilka kadib dukaanka ka qaateen lacago iyo alaabo kale.

Burcada dilka iyo dhaca u geestay muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana daqiiqado kadib dukaanka dilku ka dhacay soo gaaray ciidamo booliiska oo sameeyay baaritaano aysan natiijo kasoo bixin.

Dilalka iyo dhibaatooyinka kale ee muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu geesanayo dalka Koonfur Afrika ayaa sii kordhaya, dowlada Koonfur Afrika ayaana ku guul dareesatay badbaadinta ajaaniibta Soomaalida ku jiraan ee dalkeeda nolosha usoo raadsaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu Axmed Madoobe kala hadlay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle? (Sawirro)

Caydiid Ali

Shir Madaxeed looga hadlayo joojinta dagaalka Gaza oo ka furmay Qaahira (Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibaan Mahad Salaad oo talo & dardaaran siiyey lamaaanihii dartood loo dilay Axmed dowlo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---