Xildhibaan Mahad Salaad oo talo & dardaaran siiyey lamaaanihii dartood loo dilay Axmed dowlo

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan baarlamanka federaalka Somalia ayaa talooyin muhiim ah iyo dardaaran u jeediyey lamaane guurkooda la heyb soocay oo sababay in la dilo wiilka adeerkiis.

Lamaanahan ayaa ka soo muuqday qaar ka mid ah telefishinada Soomaalida iyadoo laga sameynayo barnaamijyo lagu wareysanayo.

Arrinta lammaanahan oo lagu kala magacaabo Maxamed C/raxmaan Mukhtaar iyo Ruqiya C/llaahi Maxamed ayaa dood weyn ka dhalisay baraha bulshada markii ay kasoo muuqdeen telefishanada waxaana xildhibaan Mahad Salaad uu qoraalkiisa ku bilaabay sida soo socota:

Dhalinyarada yaan la marin habaabin!

Maalmahaan waxaa baraha bulshada iyo warbaahinta gudaha dhex wareegayay dhacdadii xanuunka badneed ee lagu gubay walaalkeen Ahmed Alle ha-u-naxariistee.

Waxaan aad ula yaabay buunbuuninta xad dhaafka ah ee dhacdadaan xanuunka badan oo xitaa gaartay in wiilka nasabkiisa laga been sheego!

Qof waliba waxaa sugeysa maalin uu Alle hor istaagi doono. Xubnaha jirkiisuna ku marqaati furi doonaan, xumaan iyo samaan wixii uu shaqeystana la horkeeni doono, abaalmarinteedana uu heli doono. Lkn lamaanahaan isdoortow talo iga dhageysta oo talo waayeel iga dhageysta:

Wiilyahow waxaan talo kugu siin lahaa buundhuunintaan dhalanteedka ah inta iska dhaaftid hadii run ay kaa tahay in aad gabadha jeceshahay aadna rabto owlaad baarri ah in Eebe kaa siiyo. Sidaan kuma dhaqanto gabar hooyadeed, habaryarteed iyo abtigeed xasbi kujiraane, dhaqankaaga wax ka badal oo reer xididkaa la xaal. Dad samo jecle ah oo dhaqanka Soomaaliyeed iyo midka Islaamnimo garanaya la tasho oo xali dhibka ka dhex jira qoyskaaga iyo midka xaaskaaga. Iskana dhaaf dadkaan ku marin habaabinaya oo siyaasadeynaya dhibka qoyskaaga maslaxad kuuma haayaane.

Gabaryahay waxaan ku leeyahay guri lagu nastoo lagu nagaado iyo owlaad baarri kuu ah hadaad rabto waalidkaa ka duco qaado. Dhaqanka kaa muuqdana wax ka badal. Qosol iyo warbaahin laga soo muuqadana kuuma taalee dib iskugu laabo. Sababtoo ah hooyadii sagaalka bilood caloosha kugu soo qaaday, naaskeeda kusoo nuujisay, dhabarkeeda kugu soo xanbaartay, sababna u ahayd quruxda kaa muuqata Alle ka sokow ayaa maanta xabsi u jiifta adiga daraadaa. Marka meesha ka kac oo inta marada dhexda ku xiratid isku maslax Aabe iyo Hooyo, Awoowe iyo Ayeeyo, Adeer iyo Abti, Aboowe iyo Abaayo, Seedi iyo Dumaashi.

Dadka buunbuuninaya qadiyada wiilkaan iyo gabadhaan waxaan leeyahay wax xun ayaa dhacay oo dhaqanka Islaamnimo iyo midka Soomaalinibaba ka baxsan marka walaaloyaalow kuwii dhintay ee xaqdarada lagu dilay danbi ha usoo jiidinina, dhalinyaradaan iscalmadayna gurigooda ha duminina. Kala fogaansho qoyskaan dhismayana horseed ha u noqonina ee hadii aadnan wanaag kusoo kordhinayn dhibkiina kala hara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -