Tacadiyadii ka dhacay Dowlada Deegaanka xiligii Cabdi Maxamed Cumar oo la gudbiyay

Baaritaano mudo dheer lagu hayay tacadiyadii foosha xumaa ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya mudadii uu xilka hayay Madaxweyniii hore ee maamulkaasi Cabdi Maxamed Cumar  ayaa loo gudbiyay xafiiska xeer ilaalinta Federaalka Itoobiya.

Xafiiska xeer ilaalinta dawlad deegaanka Soomaalida Dalka Itoobiya oo soo gabo gabeeyay baaritaanada tacadayadii ka dhacay dowlada deegaanka ayaa galka natiijada baaristooda farta ka saaray xeer ilaaliyaha guud ee dowlada Federaalka Itoobiya.

Dowlada Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa waxaa ka dhacay mudo 8-sano ah uu xukumayay Cabdi Maxamed Cumar oo hada xabsi ku jira tacadiyo badan oo isugu jiray dilal, kufsi iyo ciqaabo aad u daran oo dadka loo geesanayay.

Xeer ilaaliyaha dawlad deegaanka, Cabdiweli Jaamac ayaa sheegay in la aruuriyay tacadiyadii foosha xumaa ee ka dhacay dowlada deegaanka mudadii uu xilka hayay loona gudbiyay xeer ilaalinta Federaalka si dacwad ugu furaan dadkii ka dambeeyay.

“Tobankii sano dhibaatooyin badan ayaa dhacay, tacaddiyo ballaadhan oo umadda soomaaliyeed loo geystay, waxa kaloo jira musuqmaasuq badan oo dawladdii xilligaa jirtay samaysay baa jirta, dawladda oo keliya maaha waxaa jira dad kalejeneraalladii halkan ka shaqayn jirey oo dhibaato badan dadka u geystay baa jira.” Ayuu yidhi Cabdiweli Jaamac, xeer ilaaliyaha dawlad deegaanka” Ayuu yiri Cabdiweli Jaamac.

Xeer Ilaaliyaha ayaa sidoo kale sheegay in maamulkii hore ee dowlad deegaanka geesteen dhibaatooyin kale ay ku jiraan in la dilo shacab aan dambi laheyn inta loogu tago guryahooda sidoo kale dadka qaar lagu dhax dili jiray xabsiyada.

“Dhibaatooyinka dadka lagu samayn jirey waxaa ka mid ah, tusaale ahaan, reero badan oo iyaga guryahooda iska jooga inta ciidan la soo geliyo la layn jirey iyaga oo aan waxba galabsan, kufsi la gaysan jirey. Waxaa kaloo jirtay dadka inta la xidh xidho jeelasha lagu layn jirey, sida Jeel Ogaadeen oo kale. Dhibaatooyin balaadhan ayaa ka dhacday deegaanka waa la wada ogyahay. Dhibaatada dadka lagu samayn jirey aad bay u ballaadhnayd.” ayuu intaasi raaciyey Cabdiweli

Madaxweynihii hore ee dowlada deegaanka Cabdi Maxamed Cumar oo ku eedesan in dambiyadan dhacay uu amray ayaa ku jira xabsi kuyaala magaalada Adis Ababa, waxaana la filayaa in dambiyadan lagu soo oogo si xukun loogu rido.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -