Kenya oo joojisay Duulimaadyadii uga imaan jiray Soomaaliya iyo Sababta keentay

Dowlada Kenya ayaa saakay oo talaado ah hakisay diyaaradaha rakaabka ee ka taga Soomaaliya una duuli jiray dalka Kenya, marka laga reebo diyaaradaha ay isticmaalaan Qaramada Midoobay iyo kuwa sida gar gaarka.

War kasoo baxay Hay’adda duulista Hawada ee dalka Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in laga bilaabo 11 May ilaa 9 Agoosto la hakiyay duulimaadyada Soomaaliya sababo aysan wali dowlada Kenya shaacin.

Go’aankan dowlada Kenya kasoo baxay ayaa saameyn ku yeeshay dad badan oo saakay kusii jeeday dalka Kenya kuwaa oo inta aysan dhoofin lasoo saaray amarkan xayiraada lagu saaray diyaaradaha kusii jeeda Kenya.

Talaabadan Kenya qaaday ayaa u muuqda mid aargoosi ah oo ku aadan in dowlada Soomaaliya wali xayiraad ku heyso jaadka laga keeno Kenya ee loo soo dhoofin jiray gudaha Soomaaliya.

Go’aankan duulimaadka ka baxa Soomaaliya ee aadi jiray Kenya lagu xanibay ayaa kusoo aadaya xili dhawaan dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ay dib usoo celiyeen xiriirkii diblumaasi ee ka dhaxeeyay kadib waan waan labada dal laga dhax sameeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -