Allbanaadir.com
NEWS

Dalalka ku midoobay Ururka EAC oo ka hadlay codsi uga yimid dowlada Soomaaliya

Dowlada Soomaaliya ayaa codsi u dirtay Waddamada ku bahoobay Bariga Afrika ee marka loo soo gaabiyo loo yaqaan EAC si ay xubin buuxa uga noqoto ururkaasi ay ku mideesan yihiin dhowr wadan.

Xoghayaha cusub ee Waddamada ku bahoobay Bariga Afrika Dr Peter Mathuki, ayaa ka hadlay codsiga Soomaaliya ka yimid ee ku aadan in ururkaasi kamid noqdaan, waxa uuna xusay in Soomaaliya loo gudbinayo shuruudaha ku xiran ku biiritaanka EAC.

Dr Peter Mathuki, Wuxuu sheegay in ay bilaabeen howlihii hordhaca ahaa ee diyaarinta dalka ee ku biirida ururka ay ku midoobeen dalalka Bariga Afrika, Wuxuu xusay in arrinta ay kala cadaan doonto marka uu bilowdo ka hadalka codsiga Somalia ee ku biiridda ururka.

“Arrintaas waxay aheyd codsi, waxay arrinta taagan tahay bilowgii, markaa waxaan u gudbinnay shuruudaha looga baahan yahay inay buuxiso, waana xiriirka ugu horreeya ee dhexmara dal doonaya in uu kusoo biiro ururka” ayuu yiri Dr Peter Mathuki.

Ururka Bariga Afrika ee loo soo gaabiyo EAC waxaa kamid ah Wadamada Kenya, Rwanda, Burundi, Uganda iyo Tanzania, Soomaaliya ayaana baadi goob ugu jirtay in ay kamid noqoto ururkan  .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay khariidadii ay Itoobiya soo bandhigtay

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo dalka ku soo celisay tahriibayaal ku xanibnaa Liibiya (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xulka Qadar oo caawa si Xarako leh ugu guuleestay Asian Cup (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---