Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada Nabad sugida oo howlgal bar tilmaameed ah ka sameeyey Muqdisho

Howgal gaar ah oo xalay ciidamada nabad sugida Somalia ka sameeyey xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho ayey ku sheegeen iney ku soo qabteen nin loo heysto inuu qorsheynayey dilal iyo qaraxyo.

Barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu qoray in howlgalkan uu ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Yaaqshiid, iyadoo aan la sheegin magaca ninka la soo xiray.

Howlgalkan ayaa la sheegay inay ka qeyb qaateen ciidamo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan NISA, iyadoo qoraalka nabad sugida lagu sheegay in howlgalkan uu ku dhacay si amaan ah, aysana jirin wax khasaare ah oo ka dhashay.

Taliska Ciidamada Nabadsugida ayaa sheegay in howlgalkan uu qeyb ka ahaa sugidda amniga iyo badbaadinta shacabka Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

NATO oo ciidamada Jawaabta deg dega ah bixiya ku daabuleysa Bariga Yurub

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen wakiilka QM ee Soomaaliya iyo Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya?

Caydiid Ali

Ergaygii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Somalia oo geeriyooday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---