Dowlada Soomaaliya oo la sheegay in ay xayirtay 35-Milyan Dollar oo loogu deeqay Maamulka ….

Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay xayirtay lacag malaayiin dollar ah oo loogu deeqay maamulka Hirshabelle looguna tala galay wax looga qabto fataahada Wabiga Shabelle.

Madaxweynihii hore ee Maamulka  Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku sheegay in Wasaaradaha Maaliyadda, Qorsheynta iyo Beeraha   ka xayireen Hirshabelle lacag gaareysa 35-milyan Dollar oo loogu deeqay.

Waare ayaa sheegay in lacagtan malaayiinta dollar ah maamulka Hirshabelle ugu deeqeen dowladaha Talyaaniga, Sweden, Midowga Yurub iyo Bangiga Adduunka, waxa uuna xusay in lacagtaasi loogu tala galay in wax looga qabto fataahada Wabiga Shabelle .

“Waa Nasiib Daro in lacag gaareysa 35 malyan oo ay fatahaadaha ugu deeqeen Talyaaniga, Sweden, Midowga Yurub iyo Bangiga Adduunka ay xayiraan Wasaaradaha Maaliyadda, Qorsheynta iyo Beeraha.”ayuu yiri Waare.

Warkan kasoo yeeray Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabelle ayaa kusoo aadaya xili deegaano katirsan Hirshabelle ku fatahay Wabiga Shabelle sidoo kale laga cabsi qabo in wabiga ku fataho Magaalooyin iyo deegaano kale oo katirsan Hirshabelle.

- Advertisement -