Reer Galbeed ka mid noqday tiro dad ah oo ku dhintay Weerarka Nairobi

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay inta la ogyahay weerarka dabley hubeysan ay ku qaaday dhismo ay ku yaalleen xafiisyo dhowr ah magaalada Nairobi, sida ay ku warrantay Wakaaladda wararka ee Reuters.

Dadka ku dhintay weerarka waxaa kamid ah 2 qof oo uu kala dhalatay dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska, sida uu Reuters u sheegay mid kamid ah dadka ka howlgala xarunta meydadka la dhigo ee Chiromo.

Wuxuu intaasi ku daray in 11 ka mid ah dadka geeriyooday ay u dhasheen dalka Kenya.

Saraakiil dowladda Mareykanka ka tirsan ayaa xaqiijiyay in muwaadin u dhashay dalkaasi uu kamid yahay dadkii ku dhintay weerarka.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Muusa Faki Mahamat ayaa cambaareeyay weerarka lagu qaaday huteelka DusitD2 ee ku yaalla galbeedka Nairobi.

Bayaan kasoo baxay Midowga Afrika, wuxuu amaaan u jeediyay sida degdeg ah ay ciidamada Kenya uga falcelinayaan weerarka.

Ciidamada amniga kenya ayaa la tacaalaya kooxda weerarka soo qaaday oo weli ku jirta hotel Dusit oo laga soo badbaadiyey dad fara badan halka kuwo weli ku xayiran aan xaaladooda la ogeyn.

Weerarka ayaa waxaa sheegtay mas’uuliyiiddiisa kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta dalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

 

- Advertisement -