War Cusub: Soomaaliya oo dib ula noqoneysa Dacwadda Badda ee hortaal maxkamadda ICJ!

Ilo dublamaasiyadeed oo la gu kalsionyahay kuna sugan Dooxa, Muqdisho iyo Nairobi ayaa Mustaqbal Media u xaqiijiyay in madaxweyanha muddo xileedkisu dhamaaday ee Soomaaliya iyo Madaxweynaha Kenya ay oggolaadeen in Soomaaliya dib ula laabato kiiska dacwadda Badda ee yaalla maxkamadda ICJ.

Ergayga gaarka ah ee Qatar u soo dirtay Soomaaliya iyo Keyna Mutlaq Al-Qaxdaani ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku qanciyay in khilaafka xadka Badda ee Soomaaliya kala dhexeeya Kenya  lagu dhameeyo wadahadal! taas oo acnaheedu yahay in Kiiska kaga saaro Maxkamadda ICJ laguna xalliyo meel kabaxsan Maxkamadda.

Sida uu yahay Qorshaha dhexdhexaadinta ee Qatar Madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya ayaa May-21 waxa ay booqasho ku tegeyaan  Dooxa si ay  u saxiixaan heshiiska dib uga noqoshada Soomaaliya ee dacwadda Badda, iyada oo uu damiin ka yahay amiirka dalka Qatar Tamim Bin Hamad Al-thani.

Hadal lama filaan ahaa oo dowladda Soomaaliya ka soo baxay Khamiis 6-May-21 ayaa Soomaaliya ku shaacisay in ay dib u soo celisay xiriirka ay la lahayd Kenya.

Labada Dawladood ee Soomaaliya iyo Kenya waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xiriirka saaxiibtinnimo ee labada dal iyadoo lagu saleynayo mabaadi’da is-ixtiraamka ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed, faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinnaanta, wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha.” ayaa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Dawladda Soomaaliya”

Amiirka Qatar Tamim Bin Xamad Al-thani ayaa ugu hambalyeyeeyay Farmaajo iyo Uhuru “go’aanka uu ku tilmaamay in uu yahay mid geesinimo leh oo xikmad ku dhisan oo ay ku gaareen dib u doo celinta xiriirka dublamaasiyadeed ee labadooda dal”.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Qatar Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-thani ayaa isna dhankiisa ku faanay in dowladda Qatar ay ku guuleysatay dib u soocelinta xiriirka Kenya iyo Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay “guul dublamaasiyadeed oo cusub una soo hoyatay Qatar”.

Arrinkan ayaa muujinaya in ergayga Qatar ay u soo dirtay Soomaaliya uu u xilsaarnaa howl ka weyn xal u helidda muranka doorashada Soomaaliya, isla markaana uu lahaa howlgal salka ku haya muranka Kenya gelisay Badda Soomaaliya iyada oo ergeyga Qatar Mutlaq Al-Qaxdaani  uu hoosta ku watay kuna qarsanayey Arrin la xiriirta baarista Batroolka

Qatar Petroleum ayaa shirkadda shidaalka baarta ee ENI oo laga leeyahay Talyaaniga waxa ay ka iibsatay 25% oo kamid ah saddex Baloog oo  kamid ah Badda  Soomaaliya,  diblomaasiyiin Soomaali ah ayaa ku sheegay in xiriirka Qatar Petroleum kala dhexeeya ENI uu yahay sababta Qatar soo gelisay xiriirka xumaaday ee Soomaaliya iyo Kenya.

Heshiiskan oo la saxiixay July 2019 ayaa lagu sheegay in bedka shidaalka laga baarayo uu yahay 15,000 oo kiiloomitir oo hoos u dherersan 1000-3000 oo Mitir oo kamid ah ayaa ku teedsan xeebaha Lamu ee Kenya, Tilmaantan ayaa xaqiijineysa in shirkadda shidaalka Qatar ay iibsatay saami kamid ah Badda shidaalka laga baaro oo ay Soomaaliya leedahay.

Xigasho Mustaqbalmedia

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -