Ciidamo dowladeed oo tuulada Karma ku laayey dad ka badan 130 shacab ah (Sawirro)

Dadka deegaanka iyo kuwa ka badbaaday xasuuq ka dhacay tuulo ku taal dalka Burkina Faso ayaa Sabtidii sheegay in 136 qof oo ay ku jiraan haween iyo caruur la dilay, iyagoo ku eedeeyay ciidamada ammaanka ee dalkaasi inay ka dambeeyeen weerarkaas.

Dacwad oogaha ayaa todobaadkii hore bilaabay baaritaan ku saabsan xasuuqii ka dhacay waqooyiga tuulada Karma iyo nawaaxigeeda, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in dad xirnaa dareeska ciidamada Burkina Faso ay dileen ku dhawaad 60 qof oo rayid ah.

Weerarkan oo ah mid ka mid ah kuwii ugu darnaa ee lagu qaado dadka rayidka ah, iyadoo dalkaasi ay ku dagaalamayaan ciidamada dowlada iyo maleeshiyaad hubeysan oo xiriir la leh Al-Qaacida iyo Daacish.

Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhaleeceeyay falkan waxayna ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo.

Burkina Faso waa mid ka mid ah dhowr waddan oo Galbeedka Afrika ah oo la daalaa dhacaya kacdoonno rabshado wata oo ay wadaan kooxo Islaamiyiin ah oo ku soo fiday dalka deriska ah ee Mali tobankii sano ee la soo dhaafay, kaasoo ay ku dhinteen kumannaan qof, kuna barakaceen in ka badan laba milyan.

Dowladda militariga ee dalkaasi ayaa qaaday weerar ballaaran oo ay sheegtay in ay ku dooneyso in ay dib ugu soo ceshato dhul badan oo ay maamulayeen kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda.

Dowladda ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku cambaareysay weerarkii lagu qaaday Karma, balse ma aysan sheegin khasaaraha ka dhashay. Tan iyo markaas, tafaasiil dheeraad ah ayaa soo baxay.

Bayaan ay soo saareen dadka deegaanka iyo kuwa ka badbaaday Sabtidii ayaa lagu sheegay in tuulada ay isku hareereyeen aroornimadii hore rag aad u hubeysan oo ku labisan dareeska ciidamada kuwaasoo wata mootooyin, kuwa xamuulka qaada iyo gawaarida gaashaaman.

“Dadka tuulada ayaa markii hore ku farxay imaatinkooda, balse farxadda ayaa si dhaqso ah waxaa u burburisay rasaas,” ayaa lagu yiri bayaanka QM oo intaas ku daray inay tiriyeen 136 qof oo rayid ah oo ku dhintay sagaal kalena ay ku dhaawacmeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -