Wasiirka Arimaha gudaha oo ka hadlay Xiisadii u dhaxeysay Dowlada iyo Ahlu Sunna (Daawo Sawirro)

Wasiirka arrimaha gudaha Somalia, Cabdi Maxamed Sabriye oo kulan la qaatay ganacsatada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay xiisadii ka taagneyd Dhuusomareeb ee u dhaxeysay Dowlada iyo Ahlu Sunna iyo qorshaha furitaanka shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug.

Waxa uu sheegay Wasiirka in is afgarad laga gaaray taag taagii iyo xiisadii maalmahan ka taagneyd magaalada Dhuusomareeb, waxa uuna tilmaamay in shir yeesheen Ahlu Sunna iyo dowlada ayna kawada hadleyn sidii xal wanaagsan loo gaari lahaa.

” Waxaan rabaa in dhamaantiin idinkugu bishaareeyo xoogaagii taag taaga ahaa ee maalmahan magaalada ka jiray in uu soo dhamaaday, waxaa jira isbadal isku soo dhawaansho ah isbadal dhinaca kheyrka ah, dadkii amuurahaas quseeyeen ee labada dhinac ahaa waxa ay yeesheen shir lagu go’aansaday waxii khaladaad ahaa oo dhacay iyo waxii tabasho ah ee jiray in inta la galo oo la dhameeyo , waxaa la isku afgartay aan wax hagaajino oo meeshii dhabuhu ka wanaagsaa aan dib ugu laabano ayaa timid” ayuu yiri Wasiirka arimaha gudaha.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan magaalada Dhuusomareeb uu ka furmayo shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug , waxa uuna xusay in dowladu rajo ka qabto in wax wanaagsan halkaasi kasoo baxaan.

Eng. Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in shirka inta uu socdo si wayn looga wada xaajoon doono dhismaha hey’adaha dowladeed ee Galmudug si dhammaan reer Galmudug ay u helaan adeegyada dowladeed ee ay u baahanyihiin ayna ula tartamaan dowlad gobaleedyada kale ee dalka.

Wasiirka ayaa caddeeyay in wasaaradda arrimaha gudaha ay si caddaalad ah ay u gudaneyso mas’uuliyadda ka saaran ka mira dhalinta shirka iyo dhammaan howlaha la xariira dhidibba u taagidda  Galmudug Dhammeys ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -