Puntland oo dishay xubno katirsan Daacish uu ku jiro Ajnabi xili miino aasayeen (Magacyada)

Ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa howlgal ku dilay labo xubnood oo katirsan dagaalyahanada kooxda Daacish, kuwaa oo inta aan la dilin kahor qarax ku aasay wado ay ciidamada iyo gaadiidka kalaba maraan.

Sargaal katirsan ciidamada maamulka Puntland ayaa sheegay in ay dileen labo nin oo katirsanaa kooxda Daacosh kuwaa oo kala ahaa nin kasoo jeeda Oromada Itoobiya iyo nin kale oo Soomaali ah.

Waxa uu sheegay sargaalkan in labadan xubnood la dilay xili ay miino ku aaseen wado ay marayeen, waxaana labada nin ee la dilay uu sheegay in ay qaabilsanaayeen aasida miinooyinka iyo sidoo kale duubista filimada.

“Waxaan dilnay labo dagaalame oo ka tirsan Daacish mid waxa uu ka soo jeedaa dalka Itoobiya gaar ahaan qowmiyada Oromada magaciisana waxaa la yiraahdaa Maxamed Siraaj Salmaan halka kan kale uu yahay Soomaali la yiraahdo Luqmaan Maxamed Xaaji,”ayuu yiri sarkaalka u hadlay ciidamada ammaanka Puntland.

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale soo bandhigay muuqaal ay duubeen ragan la dilay kahor inta aysan qaraxa miino aasin, waxaana muuqaalkan oo lagu baahiyay baraha bulshada laga arkayay iyaga oo aasaya miinada sidoo kale duubay gaari ay qarxiyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -