Qorshe lagu dili lahaa Madax sare oo katirsan Dowlada Itoobiya oo la fashiliyay

Dowlada Itoobiya ayaa shaacisay in laga hortagay oo la fashiliyay koox dooneysay in dilal qorsheesan u geestaan Madax sare oo katirsan dowlada Itoobiya, waxa ayna ciidamada amaanka gacanta ku dhigeen xubno katirsan kooxda dilka qorsheesay.

War qoraal ah oo kasoo baxay Laanta sirdoonka iyo amniga gaar ahaan qeybta ka hortagga Argagixisada ee Itoobiya ayaa lagu sheegay in labo sargaal oo magacooda la qariyay iyo xubno qurbo joog ah maleegeen qorshaha dilalka la fashiliyay.

“Waxaa tallaabo laga qaaday koox is abaabushay iyo hoggaamiyaashooda, waxaa la qabtay hub sharci darro ah oo loo diyaariyay howlgalka, baasaboorro, lacag , iyo macluumaadka cadeynaya howlgalkooda”ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Sirdoonka Itoobiya.

Warka kasoo baxay sirdoonka Itoobiya ayaa lagu sheegay in kooxda qurbo joogta ah ee maleegeesay shirqoolada dilka ah toos ula xariirayeen saraakiil iyo askar si ay u fuliyaan qorshayaasha dilka loo carqaladeeyo doorashada Itoobiya.

Sirdoonka Itoobiya ayaan shaacin magacyada xubnaha katirsan dowlada ee kooxdan qorsheesay in ay dilaan, waxaana dowlada Itoobiya kooxdan ku eedeesay in ay abaabul ka dhan ah dowlada ka wadeen gudaha Itoobiya.

Dowlada Itoobiya ayaa sidoo kale sheegtay in kooxdan is abaabushay ee halista ku ah xasiloonida ay sameesteen baro bulsho balse ka hortageen, waxaana baraha kooxdan laga maamulayay gudaha Mareykanka iyo Jarmalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -