Maxaa ka jira Wararka sheegaya in Taliye Saadaq Joon uu dalka ka baxay?

Saacadihii la soo dhaafay waxaa baraha bushada lagu faafiyey warar sheegaya inuu Muqdisho ka dhoofay Taliyihii hore ee ciidanka Booliska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xassan (Saadaq Joon) oo saaka xilka laga qaaday.

Xilka ka qaadistiisa ayaa ka dambeysay markii uu warbaahinta ka sheegay inuu joojiyey kulankii baarlaamanka ee maanta. isagoo diidanaa muddo kordhin labo sano ah oo markii dambe xildhibaanadu u codeeyeen in loo sameeyo heyadaha dastuuriga ah ee dowlada.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa allbanaadir online u xaqiijiyey in Saadaq Joon uusan ka bixin dalka, aysana waxba ka jirin wararka sheegaya inuu ka dhoofay garoonka Aadan cadde.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Saadaq Joon oo wata ciidamo fara badan oo isaga taabacsan iyo gaadiid dagaal uu ku sugan yahay dhisme ku yaalla halka la yiraahdo wadada jaayga oo ku taalla agagaarka garoonka dayuuradaha Aadan cadde.

Ma cadda waxa uu damacsan yahay iyo sida uu xaalkiisu noqon doono Saadaq Joon oo ahaa taliyihii ugu awooda badnaa Muqdisho, balse wararka qaar ayaa sheegaya in xiriiro ay dhexmareen isaga iyo xubno ka tirsan Midowga Msharaxiinta ee sida weyn u mucaaradsan madaxda DF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -