Allbanaadir.com
NEWS

Maamulada Somaliland iyo Taiwan oo heshiis cusub oo iskaashii ah kala saxiixday

Machadka difaaca qaranka iyo daraasadaha amniga Taiwan (INDSR), ayaa heshiis isfaham la gaadhay Machadka daraasaadka nabadda iyo khilaafaadka jaamacadda Hargeysa (IPCS),taasi oo ah iskaashigii u horreeyay ee dhinaca daraasadaha ammaanka ee Taiwan ay la yeelato Geeska Afrika, sidaasna waxaa baahisay warbaahinta Taiwan.

Guddoomiye ku-xigeenka machadka difaaca Taiwan, Shen Ming-shih iyo Agaasimaha machadka daraasaadka nabada iyo khilaafaadka jaamacada Hargeysa, Naasir M. Cali, ayaa isfahamkaas ku kala saxeexday shir ay ku yeesheen habka muuqaal araga, Waxana kulankaas goob joog ka ahaa ku-xigeenka Safiirka Taiwan u fadhiya Somaliland Wu Chen-chi, cilmi baadheyaal iyo aqoonyahanno kale oo ka tirsan Machadka IPCS.

Agaasimaha machadka daraasaadka nabadda iyo khilaafaadka jaamacada Hargeysa, Naasir M. Cali, ayaa isfahamkan ku tilmaamay tallaabo weyn oo muujinaysa iskaashiga Somaliland iyo Taiwan. “Waxay labada dhinac wadajir u samayn doonaan daraasado, warbixinno, socdaalo iyo inay wadajir u agaasimaan shirar caalamiya iyo dhaqdhaqaaqyo aqooneed,”ayuu yidhi Naasir M. Cali.

Waxa kaloo uu intaas ku daray in labada dhinac ay ku yaallaan bogcado istaraatiiji ah oo ay door muhiim ah kaga qaadan karaan nabada iyo xasiloonida mandaqadaha ay kula yaallaan. Waxaanu tilmaamay inay sii xoojinayaan iskaashiga labada dal ee ku wajahan daraasaadka la xidhiidhka dhinaca difaaca.

Guddoomiye ku-xigeenka machadka difaaca iyo daraasaadka amniga ee Taiwan, Shen Ming-shih, ayaa iftiimiyay in Taiwan  iyo Somaliland ay wajahayaan isbeddello waaweyn oo goboleed iyo kuwo caalami ah.

“Waxaanu yeellan doonaa mustaqbalka isdhexgal la xidhiidha daraasadaha iyo war is dhaafsiga amniga iyo xasiloonida,”ayuu yidhi Mr.Shen Ming-shi

Xidhiidhka saaxiibtinimo iyo iskaashi siyaasadeed ee maamulka Somaliland iyo kan Taiwan, ayaa si joogto ah u soo xoogaysanaya tan iyo 2020kii oo uu bilaabmay cilaaqaadkooda labada maamul aan heysan aqoonsiga rasmiga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Warar been abuur ah oo sii huriyey xiisad ka dhalatay weerar mindi oo ka dhacay UK

Cabdi Cade

Wax loo maleenayo in ay yihiin Drone ama gantaal oo kusoo dhacay degmada Taleex

Cabdi Cade

Gudoonka Baarlamaanka oo shaaciyay cida iska leh Go’aan ka gaarista Maqaamka Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---