Daawo Sawirada: Ciyaaryahan Caan ahaa oo Faqriyay Codsina u diray Kooxdiisii hore

Daafacii hore xulka qaranka Ivory Coast Emmanuel Eboue ayaa faqriyay kadib markii hantidiisii oo dhan ay la wareegtay xaaskiisa ay kala tageen oo u heysa sadex caruur ah, balse markaan wuxuu doonayaa inuu caawinaad ka helo kooxdisii hore Arsenal iyo ururka  xirfadlayaasha kubadda cagta Ingiriiska PFA.

34-jirkaan ayaa wareysi gaar ah siiyay Mirror Football wuxuuna qiray inuu ku fakaray inuu is dilo madama uu kusoo dhacay meel bilow ah, hantidiisa oo dhanna loo saxiixay xaaskiisii hore iyo caruurtiisa oo uu ugu dambeeyay guri weyn oo ugu yaalay magaalada London.

Sida lasoo wariyay Eboue wuxuu seexdaa balookoon uu leeyahay saaxiibkiis, mararka qaar dharka wuxuu ku dhaqdaa gacmahiisa madama uusan heysan mashiinka dharka.

Si kastaba Emmanuel Eboue wuxuu qiray inuu ka lumay lambarka tababarahiisii hore Arsene Wenger: “Wax badan ayaan la hadlay Arsene Wenger, balse waan lumiyay dhamaan lambararadii iigu jiray taleefoonkeyga mana la xiriiri karo dhamaan”

“Waan aqbali lahaa caawinaad iiga timaada meel walba, hadii kooxdeydii hore oo aan waqtiga kusoo qarash gareeyay ay dooneyso iney i caawiso, runtii aad baan ugu farxi lahaa, waana soo dhaweynayaa”

“Laga yaabee inaan halkaas aadi karo isla markaana aan caawin karo ciyaartoyda dhalinyarada ah”

“PFA-ga wey i caawin jireen marka aan dhibaato ku qabo wakiilkeyga, hadey i siinayaan shaqo, xitaa yeysan ahaanin shaqo weyn, wey wacnaan laheyd. habka ay dadka iiga caawiyeen inaan u noqdo xirfadle kubadda cagta ah ayaan kuwa da’da yar uga caawin karaa”

“Aad bey u adag tahay sababtoo ah wali waxaan aaminsanahay inaan ciyaari karo, balse hadii ay shaqadaas i siiyaan si aan u maamulo da’yarta, laga yaabee inaan arki karo dad aan soo wada ciyaarnay ama aan ka hor imid, waxeyna ii noqon laheyd farxad”

W/Q Abdirashid Mohamud “SHarDinHO” 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -