Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo Cusub oo macawuusley ah oo Dagaal loo diyaariyay oo lasoo bandhigay (Sawirro)

Ciidamo cusub oo macawuusley ah looguna tala galay in ay qeyb ka noqdaan dagaalka cusub ee ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ayaa lagu diyaariyay deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan .

Ergayga Madaxweynaha u qaabilsan arrimaha Macawisleyda Cali Jeyte Cismaan ayaa  Halgan kula hadlay boqolaal Macwiisley ah, kuwaas oo loo diyaariyey inay qeyb ka noqdaan ciribtirka xubno katirsan Al Shabaab ku dhuumaaleysanaya deegaanno ka tirsan Hiiraan.

Cali Jeyte oo la hadlay ciidanka macawuusleyda ayaa kula dar-daarmay in ay u diyaar garoobaan howlgalka sifeynta Al Shabaab, isla markaana laga doonayo reer Hiiraan in ay u midoobaan in gobolkaas uu xor ka noqdo kooxda Al Shabaab.

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanayay ciidamo caalami ah ayaa maalmo kahor duqeymo dhinaca cirka ah ka fuliyay tuulooyin hoostaga degmada Halgan, waxaana weerarkaasi dowladda sheegtay in lagu dilay in ka badan 60-xubnood oo katirsan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaano si kulul uga hor yimid go’aan ka soo baxay Wasaaradda A/Gudaha Puntland

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in Farmaajo uu taageero la xiriirta doorashada weydiistay Itoobiya?

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirweyne ka furmay Paris (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---