Beesha Caalamka oo Dadaalo cusub ka biloway magaalada Muqdisho

Qaar kamid ah wakiilada beesha caalamka ee jooga magaalada Muqdisho ayaa bilaabay dadaalo hor leh ay ku doonayaan in ay isugu keenaan Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada si heshiis looga gaaro doorashada.

Wakiilada beesha caalamka ay hormuud u yihiin Danjiraha Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya, Wakiilka Midowga Yurub, Safiirada Mareykanka iyo UK ayaa wada dadaalo mar kale isugu keenayaan Madaxda DF iyo kuwa maamulada ee is khilaafsan.

Sida aan wararka ku helnay wakiiladan ayaa xalay la kulmay Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland, waxa ayna kala hadleen sidii mar kale la isugu imaan lahaa shir looga hadlayo arimaha doorashada ee la isku khilaafsan yahay.

Wakiilada ayaa sidoo kale xiriiro la sameeyay madaxda  Dowlada federaalka waxa ayna kala hadleen geedi socodka wadahadalada looga hadlayo khilaafka doorashada iyo sidii mar kale dhinacyada is khilaafsan isugu imaan lahaayeen.

Beesha Caalamka ayaana markan quus taagan, waxa ayna dhincayada iska soo horjeeda gaar ahaan madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamulada Puntland iyo Jubbaland ku cadaadineysaa in ay wada hadlaan heshiisna ka gaaraan khilaafka doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -