Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Q/M oo fariin adag usoo diray Madaxda Soomaalida

Qoraal si wadajir ah usoo saareen Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD iyo Qaramada midoobay ayaa walaac xoogan looga muujiyay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya gaar ahaan khilaafka ka taagan doorashada oon wali laga heshiin.

Waxa ay ku sheegeen qoraalka kasoo baxay Wakiiladan katirsan Beesha Caalamka in ay xushmad  u hayaan madax-bannaanida, dhuleed sharaf, madax-bannaanida siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya.

Qoraalkan wadajirka loo soo saaray ayaa loogu baaqay  madaxda Soomaaliyeed inay mudnaanta siiyaan danta guud ee qaranka Soomaaliya isla markaana si deg deg ah ugu laabtaan wadahadalka si loo raadiyo tanaasulka arrimaha taagan, loogana fogaado xasilooni daro

Qoraalkan ayaana loogu baaqay Madaxda Soomaalida.

1:  in heshiiskii Sebtember 17 uu weli yahay wadada ugu macquulsan ee loo maro qabashada doorashooyin suuragal ah,, iyaga oo ku booriyay Dowladda Federaalka iyo madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka inay dib u eegis ku sameeyaan oo ay ansaxiyaan isfahamkii  Gudiga Farsamada ee 16kii Febraayo 2021 ku shiray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

2: in la sameeyo talooyinka iyo heshiis ku raadinta tanaasul wixii khuseeya arrimaha taagan ee daruuriga u ah doorashooyinka degdegga ah iyo hirgelintooda.

3: in Madaxda Soomaalida ku  qancaan dadaalka bahwadaagta caalamiga ah ee fududeynta xiriirka ka dhexeeya madaxda Soomaalida iyo  la-hawlgalayaasha si loo xoojiyo  ka qaybqaadashada iyo cadeynta haddii loo baahdo habab cusub oo lagu taageerayo ku noqoshada wadahadalka daneeyayaasha siyaasada.

4:  Dib-u-xaqiijinta go’aanka ah in aan la taageerin wax is-barbar socda, sida doorasho hal dhinac ah ama dadaallada cusub ee keenaysa in muddo kordhin la sameeyo.

5: ) In Madaxda Muujiyaan walaac culus oo laga qabo in ismari waaga siyaasadeed uu yahay mid saameyn xun ku yeelanaya nabadda, amniga, xasiloonida, iyo Nabadda Soomaaliya.

6: Waxaan ugu baaqeynaa hogaamiyaasha siyaasada Soomaaliya inay sii wadaan horumarka lagu sameeyay dowlad dhisidda iyo siyaasad loo dhan yahay, gaar ahaan doorashooyinka iyo kala wareejinta xukunka si nabad ah , si ay maanta uga dhabeeyaan danaha muhiimka ah ee Dadka Soomaaliyeed si ay u helaan doorashooyin nabdoon, xor ah, xalaal ah, oo lagu kalsoonaan karo.

7: Waxaan ku  boorrineeynaa dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay is xakameeyaan oo ay ka fogaadaan ficil kasta oo u horseedi kara inay koroto xiisadda Siyaasadeed.

8:  Midowga Afrika, Midowga Yurub, & Hay’adda Dowliga ah ee Horumarinta, way sii wadi doonaan inay si dhow ula socdaan xaalada Soomaaliya. Ayaa lagu soo geb-gabeeyay qoraalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -