Dilka Gudoomiyihii Degmada Hodan oo lagu tilmaamay in uu ahaa mid kas ah

Guddigii baaritaanka ku hayay kiiska dilka Gudoomiyihii degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhagajuun ayaa ku wareejiyay galka dacwada xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka oo isna kiiskaasi usii gudbiyay maxkamada ciidamada.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Gen. Cabdullaahi Buulle Kamey oo la hadlay Warbaahinta dowlada ayaa sheegay in maxkamada maanta bilaabeyso dhageysiga kiiska dacwada dilka gudoomiyihii degmada Hodan.

Gen. Cabdullaahi Buulle Kamey ayaa sheegay in dacwad kusoo oogi doonaan dadka u xiran kiiska dilka Gudoomiyaha, waxa uuna cadeeyay Jen. Kamey in guddiga baarista kiiska usoo baxday in dilku ahaa mid kas ah.

“Guddiga loo xilsaaray kiiska ayaa soo gudbiyay natiijada kasoo baxday Baarista uu sameeyay, Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa la wareegtay oo bilaabeysa Dhageysiga waxaana ka horreeya Dacwad kusoo oogista Dadka u xiran, Dilkana waa mid kas ah “Bareer ah” waxa uu usoo gacan galay Maxkamadda” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda CQS.

Dilka Gudoomiyihii degmada Hodan waxaa u xiran taliyihii saldhiga booliiska degmada Howl-wadaag iyo ciidamo kale oo katirsanaa booliiska saldhiga degmada Howl-wadaag kuwaa oo ku eedeesan dilka Gudoomiyihii la dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -