Baarlamanka DDSI oo Jigjiga ku yeelanaya kulan looga hadlayo qodobo xasaasi ah

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee xarunta degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegayaa in maanta kulan aan caadi aheyn la isugu yeeray xubnaha golaha Baarlamaanka maamulkaas

Qorshaha ugu weyn ee maanta Barlamaanka horyaalla ayaa ah inay ku dhawaaqaan guddoomiye cusub oo Barlamaanku yeelanayo, iyo in ay soo doortaan guddoomiyaha maxkamadda Kilinka Shanaad.

Qodobada ugu waawayn ee ee miiska u saaran ayaa kala ah:

1-Ansixinta Afhayeenka iyo ku xigeenka baarlamaanka deegaanka.

2-Ansixinta gudoomiyaha iyo ku xigeenka maxkamadda guud ee deegaanka.

3-Ansixinta wax ka badalka astaanta calanka iyo magaca deegaanka.

Qodobadan ayaa ka mid ahaa waxyaabihii uu ballan-qaaday Madaxweynaha cusub ee degaanka Mustafe Muxumed Cumar.

Baarlamaanka dawlad degaanka ayaa dhowrkii todobaad ee ina dhaafay waxay yeelanayeen kullamo joogta ah, oo inta lagu meel marinayay isbadallada deegaanka ka socda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -