Burcad badeed Soomaali ah oo isku dhiibay ciidamada badda dalka Hindia kaddib markii…

Koox burcad-badeed Soomaali ah oo afduub u heestay dooni laga leeyahay dalka Iran ayaa isku dhiibay ciidamada badda dalka Hindia, kaddib markii la hareereeyeen kooxdaasi burcada ah ee geesatay afduub.

Warbaahinta dalka Hindia oo soo xiganeysa saraakiil katirsan ciidamada badda Hindia ayaa baahiyay  in howlgal qaatay muddo saacadood ah ay sababtay in bur-cadeeda afduubka u heestay doonta ay is dhiibaan.

Burcad-badeeda is dhiibtay ayaa afduub ahaan u heestay doon laga leeyahay dalka Iran oo lagu magacaabo Al-qamaar, waxaana doontan la socday 23-shaqaale, kuwaa oo la sheegay in hadda la badbaadiyay.

Ciidamada badda dalka Hindia ayaa horey gacanta ugu dhigay koox kale oo burcad-badeed Soomaali ah oo gaarayay 35-nin , kaddib markii howlgal saacado badan qaatay ciidamada ka fuliyeen markabka MV Ruen oo afduub ahaan u heesteen kooxdaasi.

Burcadan ay qabteen ciidamada badda dalka Hindia ayaa la filayaa in iyana la geeyo dalkaasi laguna maxkamadeeyo, waana kooxdii labaad oo burcad ah oo maalmo gudahood ciidamada Hindia gacanta ku dhigaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -